Garoowe (Halqaran.com) – Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag, ka dib markii uu ka baxay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa qaarkood waxay Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, ka dib is rasaasayn habeenkii Arbacada ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.
Dhoobo Daareed ayaana ka horyimid tallaabada ay xilka uga qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu xil ka qaadistiisa ku sheegay mid aan dastuuri ahayn.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xilligaa sheegay in uu ku yimid sifo sharci ah, xilkana uu uga deggi doono sifo sharciga waafaqsan.
Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ciidan uu horkacayay oo wata gaadiidka dagaalka waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Xiingalool, kamana aanu hadlin ujeedada safarkiisa.
Waxaa magaalada Garoowe waxaa weli ka taagan xiisad ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ka socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro.
Waxaa iminka magaalada Garoowe ku sugan Suldaanka Guud ee Beelaha Harti, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Odayaal Dhaqameedyo kale oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, kuwaa oo waan-waan nabadeed ka wada magaaladaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com