Bazil (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa xabsiga kasoo baxay jimcihii, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, sii deyntiisa ayaa timi markii maxkamad Federal ah ay amar ku bixisay in la daayo.
Isagoo xiran shaati madow iyo suud ayuu oo dhoolacadeynaya sarena u qaadaya gacantiisa ayuu u soo baxay tageeraashiisa oo xiran funaanado ay ku xardhanayeen sawirradiisa.
Taagerayaasha Lula ayaa ruxayey calan guduudan oo ah astaanta dhaqdhaqaaqa bidixda.
74 jirkaan siyaasiga ah ayaa racfaan ka qaatay xukun maxakamadeed oo ahaa 8 sano, islamarkaana la xiriiray musqmasuq iyo lunsashada lacag loogu talagalay dayctirka guryaha ku teedsan xeebaha ee dalka Brazil. dambigan ayaa la soo helay kaddib olole la yiraahdo “CAR WASH” kaas oo lagula dagalalamayey musuqa.
Lula waxa uu xirnaa muddo sanad iyo bar ah oo ka soo bilaabatay 7-dii April 2018.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com