Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Askari ka tirsan Ciidamada DF Somaliya oo Bajaajle ku dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah wadayaasha mooto bajaajta ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay wadahaasi ku dilay agagaarka Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxaana darawalka lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Siciid.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu murun soo kala dhexgalay askariga iyo darawalkii mooto bajaajlaha, taasoo dhabaha u xaartay tallaabada lagu dilay mooto bajaajlaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askarigaasi uu goobtaasi ka baxsaday, ka dib markii uu arkay in mooto bajaajlaha uu u geeriyooday rasaastii uu la dhacay.

Ciidan kale oo boolis ahaa oo goobtaasi gaaray ayaana ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan askarigii dilka gaystay.

Ciidamada Booliska ayaa meydka darawalka mooto bajaajlaha u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya dilalka ay Ciidamada Booliska u gaystaan wada-yaasha mooto bajaajta, waxaana Caasimadda caado ka noqotay baxsadka askarta, marka ay dilalka gaystaan.

Inta badan dilalka darawalada mooto bajaajta ayaa waxaa la tilmaamaa in ay timaado, iyadoo wada-yaasha lagu eedeeyo in qaarkood ay si khaldan u adeegsadaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...