Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Shirka maamullada gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu soo xiray Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Shirkan oo muddo toddobaad ah ka socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa loo qabtey  masuuliyiinta maamullada goballada iyo degmooyinka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaa soo qabanqaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta K/Galbeed.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax oo kamid ahaa masuuliyinta shirkaasi ka qeybgaleysay ayaa warbaahinta dowladda u sheegey in shirkan u ahaa mid looga hadlayay horumarinta adeega dowliga iyo baahinta adeegyada dowlada.

Wuxuu sheegaya, sidoo kale in sigaar ah diirrada loogu saarey Shirkaasi muddada toddobaadka ah sidii cadowga maleeshiyaadka Al-Shabaab looga xorreyn lahaa gobollada ay maamusho Koofur Galbeed.

Sidoo kale, guddoomiye Najax ayaa waxa uu sheegey in shirkan aad muhiim ugu ahaa shacabka Koonfur Galbeed, una horseedi doona amni, horumar iyo nabad kuwada noolaansho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...