Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka soo baxay Kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada ee XFS?

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xeer nidaamiyaha machadka caafimaadka dalka.

Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada, ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda iyo xeer nidaamiyaha machadka caafimaadka dalka oo ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta arrimaha bulshada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay laba jeer tikarboob, madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale looga hadlay amniga dalka, tayeynta waxbarashada iyo heerka uu marayo wajiga labaad ee dib-u-habeynta ciidamda qalabka sida ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...