Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliya ‘Farmaajo’ iyo madaxweynaha golaha Midowga Yurub?

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi waxaa uu wada hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay isaga wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Sida ay baahisey Madaxtooyada Soomaaliya kulankaas ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay taageerada Midowga Yurub ee ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL uu balan qaadey inay taageerada kordhin doonaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa uga qeyb galay Shirka 33aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu horey ula kulmey Madax kala duwan, waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo Madax kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...