Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

Soomaaliya Iyo UNESCO oo Hashiisyo Caalima ah kala Saxiixday

Muqdisho (Halqaran.com)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO ayaa wada saxiixay heshiis ay isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh.

Kadib ayaa waxaa kaloo kulanka looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...