Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Shirkii maanta Muqdisho ee looga hadlayay dayn cafinta Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Isniintii maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya, kaas oo todobaadkiiba mar ka qabsooma Muqdisho.

Waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo Ra’iisul Wasaaraha uu warbixin ka siiyay shirkii uu uga qyeb-galay Magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

”Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4”, ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa xusay, in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta iyo hore u sii wadida wax walbo oo lagu gaarayo cafinta deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyay dadaalka ay u gashay sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya,isaga oo kula dardaarmay in qorshahaas ay sii lab jibaaraan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...