Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

UPDATE: Burundi oo sheegtay in darsan Askar ah looga laayay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Burundi ee howlgalka nabad ilaailnta u jooga Soomaaliya

Balcad (Halqaran.com) – Dowlada Burundi ayaa shaacisay tirade askarta looga dilay weerar Al-Shabaab ay ka dambeeyeen oo ka dhacay tuulada Gololey ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wakaaladda wararka AFP oo la hadashay sarkaal ka tirsan Ciidamadda Burundi ayaa laga soo xigtay in weerarkii duleedka Balcad Axadii ka dhacay lagu dilay 12-askari.

”Nasiib darro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalena waa la dhaawacay (Sabtidii) xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weerarey kolonyo ka tirsan Ciidamadeena oo ku sii jeeday magaalada jowhar” ayuu yiri sarkaalkan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dileen 14-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerar dabagal ahaa oo ka duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay ciidamadda Burundi.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...