Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRO: Madaxweyne Farmajo gaaray magaalada Dhuusamareeb, Yaase soo dhaweeyay!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir, Wasiir arrimaha gudaha XFS, Wasirka amniga XFS, xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo safarkiisa waxaa ku wehliyay madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dawlad goboleedka Galmudug.

Isniinta caawa munaasabad lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo xiri doonaa Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo muddooyinkii dambe magaaladaasi ka socday.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...