DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Kulankii Xasaasiga ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb?, Maxaa lagu heshiiyay!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa kulan xasaasi ah magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada Maamulka Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay, Xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid Magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb uyo deegaano kale.

Waxaa Kulankan looga hadlay sidii xal looga gaari laha kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex-gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlsunna, qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo dhismaha Galmudug mideysan.

Xog hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya in kulamada inta badan la isku afgartay, balse markale Tallaadada maanta ah kulamo kale ay ka dhici doonaan Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waxaa filayaa in dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug.

Isha ku haay mar walba Halqaran.com, si aad u hesho warar xiiso leh oo xaqiiq ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com