Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo markii ugu horreysay ka hadashay Saddexda Madaxweyne ee lagu doortay Kismaayo (Maxaa Cusub?)

 

Kismaayo (Halqaran.com) – Hoggaanka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, ayaa war ka soo saaray seddexdii Madaxweyne ee Khamiistii aynu soo dhaafnay lagu doortay magaaladda Kismaayo.

Isagoo Wareysi siinayay Idaacadda ku hadasha Afka maleeshiyaadka Shabaab ee Andalus, Sheekh Mohamed Abuu Cabdalla oo ah hoggaanka Al-Shabaab ee Jubbooyinka ayuu sheegay in ay dagaal lageli doonaan dhammaan kuwa sheegtay in ay madaxweynayaal ka yihiin maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in kuwa sheeganaya madaxweynaha ay ka amar qaataan shisheeyaha, ayna joogaan labada degmo ee Afmadow iyo Kismaayo, cid kasta oo la doortana aysan jirin meel ay ku shaqeeyaan,.

Hoggaanka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Jubbooyinka, ayaa xusay in aysan waxba iska beddelin mowqifkooda, ayna sii wadi doonaan dagaalka iyo qaraxyada ay ku hayaan maamulka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...