Hargeysa (Halqaran.com) – Xoghayaha duulista Xisbiga Waddani, Nuuradiin Cabdullaahi Diini oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si adag u weeraray xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.
Nuuradiin Cabdullaahi Diini, ayaa sheegay in Xukuumadda Muuse Biixi ay ka gaabiyay inay raadinayo dhaqaalihii duuliyaadyada diyuuradaha uu tilmaayay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay gabi ahaan maamulka hawada ay lawareegto.
”Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi haday si toos ah u damacay inay hoostagto dowladda Farmaajo, maxay dadka ugu sheegi waayeen”, ayuu yiri Xoghayaha duulista Xisbita Waddani.
Wuxuu kaloo yiri xoghayaha duulista Xisbiga Waddani, ”Somaliland iyadaa korineysa maamulladii ka jiray Soomaaliya, taasi baana marqaati ka ah wax walba”,
Hoos ka daawo Muuqaalka Xoghayaha duulista Xisbiga Waddani:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
AKHRI: Jubbaland oo DF Soomaaliya ku eedeysay inay duulaan ku tahay Kismaayo (Ogow wax badan!)
XOG CUSUB: Ilhaan Cumar ”Madaxweyne Donald Trump nafteeda ayuu halis geliyay”
XOG: ”Xisbi ku sheegyada dalka ka jira waa laba wajiilayaal!”, waxa sidaa yiri
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com





