
Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha iminka Wakhtigiisa dhammaaday ee Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Doorashada la filayo inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee madaxwaynaha Galmudug.
Mr. Xaaf ayaa xusay in madaxwaynaha la doorto loo baahan yahay in lala shaqeeyo, wuxuuna ka digay in lugaha la qabto, balse xusay in isaga lugaha la qabtay.
Sidoo kale, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka digay kala qaybsanaanta Bulshada.
“Allehiin hadduu alle yahay, is maqlaha, Haddii aynaan Wada shaqayn waxba Noqon mayno, Gabdhaha Musharaxyada ayuu sheegaa waa beentiin, madaxwaynaha cusub hadii lugaha lagu dhegayo hadaba yaan la dooran”. ayuu yiri Xaaf.
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA XAAF:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com