DAAWO MUUQAAL: Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Madaxda DF Somaliya una hanjabay (Maxaa cusub)?

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Photo: Halqaran.com

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Arbacadii maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu ka hadlay  Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday, Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo xarigga wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arrimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Sidoo kale, madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xusay, inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo doorashada, Dastuurka iyo horumarka Soomaaliya balse taasi aaney muuqan dowladii lagala shaqeyn lahaay.

HALKA HOOSE KA DAAWO KHUDBADDA AXMED MADOOBE:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannnews@gmail.com