Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xaafadaha Ceelqalow iyo Xalane iyo Galbeedka Magaalada Muqdisho.
Xaafadahan ayaa ka mid ah goobaha ay sida weyn u saameeyeen roobabkii habeen hore ka da’ay Magaalada Muqdisho, oo sababay dhimashada lix qof, burburka guryo iyo weliba wadooyin.
Cumar Filish ayaa soo indho indheeyay inta ay le’eg tahay waxyeelada ay roobabkaasi u gaysteen labadaasi xaafadood, iyadoona uu in muddo ahba kormeerkaasi ku guda jiray.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah qoysaska ay waxyeelada ka soo gaartay roobabkan ugu dambeeyay, ee ka da’ay Caasimadda Muqdisho, isagoona uga tacsiyadeeyay dhibka soo gaaray, waxa uuna dhanka kale ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay.
Wuxuuna deeq lacag ah ku wareejiyay qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaareen roobabka, si ugu yaraan ay samir-siin ugu noqoto, noloshooduna ugu maareeyan.
Duqa Muqdisho oo kormeerkan sameeyay gelinkii dambe ee Isniintii shalay ayaa waxaa ku wehlinaay Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.
Ugu dambeyn, waddada xiriirisa Isgoyska Shaqaalaha iyo Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa ka mida wadooyinka uu burburka xoogan ka soo gaaray roobabkan, oo si weyn looga dareemay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com