Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

AKHRI: Magacyada 5 Askari oo Al-Shabaab ku sheegeen inay ka soo goosteen Jubbaland.

Kismaayo (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Askar ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Ciidanka Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhig Ciidan oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Intenet-ka Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland ay isku  dhiibeen, iyagoo hubkood watay laguna soo bandhigay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose.

Sababta ay Ciidanka u soo goosteen ayay Al-Shabaab ku sheegeen inay tahay, kadib markii dhibaatooyin kala kulmeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada lasoo Bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo kala ahaa

1-Maxamed Cali Bakar

2-Aadan Cismaan Cumar

3-Xuseen Ibraahim Xasan

4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi

5-Cabdiqaadir Cumar.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku aadan Askartaan la sheegay inay ka soo goosteen dhanka Maamulkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...