Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Cumar Filish oo Digniin culus u diray Shacabka Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mr Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo Shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu faray bulshada ku nool Caasimadda in ay u dhega nuglaadaan farriimaha caafimaad iyo wacyigalin ee uu wado Maamulka Gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa Coronavirus (COVID-19).

Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weysa awaamiirta ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono ciddii aan fulin amarrada maamulka wixii ka dambeeya 15-ka bishaan Maarso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dadka ku sugan goobaha ganacsiga xusay, in looga baahan yahay in aysan waxba ka iibin cid aan wadan Afxirka si looga hortaggo cudurka Covid-19.

‘‘Laga bilaabo 15 bishaan, cid walba oo aan u hoggaansamin talooyinka looga hortagayo Covid-19, ciqaab iyo ganaax ayuu muteysan doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...