Bakool (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima).
Sidoo kale, ciidanka ayaa dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





