Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada kala ah, Walla-galeen, Galka Saalimow, Dahaad, Ceel-maracade iyo Garas-gawaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ku dileen 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab uuna ka mid yahay horjoogihii watay maleeshiyaadka.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay inay burburiyeen goobo Al-Shabaab dadka shacabka ah ugu qaadanjireen lacagaha baadda ah.

Muddooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka ayaa waday howlgallo qorshaysan oo lagu cirib-tirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana fulinayay ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee Danab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...