Galgaduud (Halqaran.com) – Ciidamada Militariga qaybta 21aad iyo Ciidanka Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa la wareegay deegaano maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyaad.
Ciidankaan oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa ugu dambeyn la wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure, waxaana ay ku sii wajahan yihiin deegaanka Qalanqaale oo ka mid deeganada maleeshiyaadka ku dagaalameen.
Dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ee ka soo kala jeeda Guriceel iyo Cadaado ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho, waxaana la sheegayaa ku dhawaad 10 ruux inay ku dhinteen dagaalka oo uu ku jiro Wasiir hore oo ka tirsanaa Maamulkii Madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku amray Ciidamada inay deeganaan ku soo celiyaan deegaannada lagula dagaalamaan, islamarkaana ammaanka si wayn u sugaan.
Dagaalka dhexmaray beelahan walaalaha ah ayaa ka bilowday arrimo la xiriira dhul Baraago ah oo ay ku wada murmeen qaar ka mid ah maleeshiyaadka, kadibna xaaladda ay isku bedeshahay gacan ka hadal dhiig badan ku daato.
Waxaa weli xiisad iyo colaad la xiriirta maleeshiyaadka dhulalka isku haya ka taagan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com