
Muqdisho (Halqaran.com) – Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dagaalada ka dhacay gobolka Gedo inuu yahay dagaal sokeeye, isagoona ku taliyay in khilaafka ka jira dalka lagu xaliyo wadahadal.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta dagaallo Sokeeye aysan noqon karin xal, islamarkaana loo baahan yahay Siyaasad Mideysan.
“Dalka waxaa ka dhacaya waa dagaal sokeeye, waayo dagaalka ka dhex dhaca wadan hal calan leh waa dagaal sokeeye.”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle .
Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa ”Ciidan aan wadada Afgooye mari-karin oo tan Balcad aan aadi karin Gedo lama geeyo Dayuurad inta lagu qaado”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Daahir Geelle ayaa aad u dhaliilay siyaasada dowlada federalka isagoo sheegay in dadka ay is qabtaan ay weeraraan.
Ugu dambeyn, Daahir Maxamuud Geelle ayaa labo jeer soo noqday Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale soo noqday Danjiraha Soomaaliya ee dalka Sacuudiga oo uu ka mid ahaa Safiiradii ugu waqtiga dheeraa wixii ka dambeeyay burburkii dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





