Thursday, May 14, 2026
31.9 C
Mogadishu

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo la wareegay degmo ka tirsan G/Sool

Sool (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa Arbacada Maanta ah qabsaday degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool oo ahayd degmada keliya ee ka maqneed gacanta Somaliland kana tirsan Gobolka Sool.

Degmada Boocame ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku sugnaa Ciidamo tiro yar oo ka tirsan Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah balse ay Maanta la wareegeen Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay Bartamaha degmada Boocame, iyaga oo halkaasi ka sameeyay dhoolatus ay ugu dabaal degayeen 31 sano guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Ugu dambeyn, labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa cutubyo katirsan Ciidamada Somaliland ay ku sugnaayeen duleedka degmada Boocame, iyaga oo doonayay inay gacabta ku higaan balse ugu dambeyn ay Maanta la wareegeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...