Friday, June 5, 2026
26.6 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen RW Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaaday.

Axmed Madoobe ayaa RW Rooble uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Waxaa la filayaa dhawaan in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabto Magaalada Kismayao, hayeeshee wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu Muqdisho ku sugnaan doono illaa iyo inta laga caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...