Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Ciidamada Xoogga dalka oo deegaanno horleh la wareegay, gacantana ku soo dhigay Sarkaal Al-Shabaab ah

Galgaduud (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo xoogan waxaa ay weli ka wadaan deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo tobanaankii sano ee la soo dhaafay ay gacanta kuhayeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgal ay maanta fuliyeen waxaa ay la wareegeen Tuulada Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeysa deegaannada Galcad iyo Masagawaay  ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay isaga baxeen dagaal la’aan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Tuulada Baraag Sheekh Caamis, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali gadiid.

Sidoo kale, saraakiishu waxaa ay sheegeen in xilliga la qabanayay Sarkaalka katirsan Al-Shabaab uu raashin u waday xubno katirsan Al-Shabaab, balse ay Ciidamadu qabteen.

Sarkaalka Shabaabka ah oo ay ciidamada xoogga soo qabateen oo lagu magacaabo Cabdi Cali gadiid.

Waxaa weli howlgallo xooggan ka socda deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, iyada oo Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay la wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...