Mudug (Hal qaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ayaa sheegaya, in ciidamada amniga Galmudug oo isugu jira Daraawiish, NISA iyo kuwa Booliska ay tageen deegaanno ku yaalla hareeraha Hobyo oo maalmihii la soo dhaafay shaqaaqooyin dhul la xiriira ay ka jirtay.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Hobyo iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno barlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray halkaasi.
Mas’uuliyiintaan oo u kuurgalay sidii wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii Magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo.
Shacabka reer Hobyo ayaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha.
Waxaa degmada Hobyo laga dareemayaa isbaddel weyn iyo xasilooni, kadib markii la qabtay toboneeyo ka mid ah kuwii amniga magaaladaas dhibka ku hayey.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





