Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa la sheegay in ay rasasladhaceen bananbaxayaasha iyada oo la soo warinayo dhawacyo soo gaareey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hogaaminayey diabadbaxa oo uu uga horeeyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland iyo Ssiyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta dhawaca uu soo gaarey.
Sido kale Banaanbaxa ayaa waxaa Mucaaradka ay uga soo horjeedaan dib u dhigidda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan bisha November ee sanadkaan, waxaana banaanbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen Muuse Biixi ha dhaco iyo Erayo kale.
Soomaliland ayaa sidoo kale Maanta xirtay 5 Xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku yiri “Mudaharaadku waxa uu si rasmi ah u bilaabmayaa Maalinta Sabtida ah Lixda Gobol & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Saaka annaga oo dooneyna in aan dadka siinno wacyigelin ayaa naloo adeegsaday Xabad nool, sunta gaaska ah, xadhig iyo Jidh-dil oo sharci darro iyo kelitalisnimo ah.” Sida uu yiri Musharax Madaxweyne Cirro.
ugu dambeyntii Xaaladda Magaalada Hargeysa ayaa Maanta kacsan, waxaana inta badan xiran Goobaha Ganacsiga, iyada oo Baraha Bulshada lagu faafiyay muuqaalo muujinaya Ciidamada Booliska Somaliland oo jirdilaya Haween ka qeyb galaya banaanbaxa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





