Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo waqtiga loo kordhiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horreysay la keenay dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay UK xarunta Qaramada Midoobay, dhammaan xubnaha UN-ka waxay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka dalka.

“Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ka u idmaday ee ku sugan Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkiisa, ”ayaa lagu yiri barta Twitter-ka.

AMISOM waa hawlgal taageero oo nabadeed, iyadoo ku dhowaad 20,000 oo ciidamo ah ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka kala socda dowladaha Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...