Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Cadaado oo si weyn uga faafayo Coronavirus & Dad badan oo calaamadahaasi u dhintay

Cadaado (Halqaran.com) – Waxaa jira dareen xoog badan oo ka dhashay in xanuunka COVID-19 uu si weyn ugu faafayo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, xilli aanu oolin qalabka lagu baaro xanuunkaasi.

Isbitaalka Guud ee Cadaado ayaa waxaa xalay siyaabooyin kala duwan ugu geeriyooday laba qof, oo midi uu yahay oday da’ ahaa iyo nin kaloo ganacsade, kuwaa oo si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Dr. Cabdirisaaq, Cabdullaahi Qaarey, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Cadaado ayaa maanta sheegay in Magaalada Cadaado lagu arkay dad fara-badan oo qaba calaamadaha lagu garto xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in labadii toddobad ay aad u soo kordheen dadka ka cabanaya hargab, qandho, madax xanuun daran, urka, dhadhanka oo ka tagay iyo naqaska oo ku dhegaya.

Labada nin ee xalay ku dhintay Isbitaalka Cadaado ayuu sheegay inaanay xaqiijin karin in ay xanuunka u dhinteen iyo in kale, marka laga soo taggo in lagu arkay astaamaha lagu aqoonsado xanuunka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...