Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Caanaha dameerka oo suuq fiican ka helay waddanka Albania!

Albania (Halqaran.com) – Dadka deegaanka ayaa ku xooma beero yar yar oco lagu xannaaneeyo dameerada oo ku yaalla koonfurta magaalada Tirana ee dalka Albania, halkaas oo xuddun u ah iibka caanaha xayawaankaasi.

Elton Kika oo ah 37-jir beer lagu hayo 12 dameer ku leh magaaladaasi ayaa sheegay dalabka caanaha dameerku iney xoogeysteen wixii ka danbeeyay markii caabuqa COVID-19 uu gaaray waddanka Albania.

Halkii litir ee caanaha dameerka ayaa lagu iibiyaa 50 euros oo u dhiganta $61.29, qiimahaasi ayaana ah mid sarreeya marka loo eego dakhliga soo gala dadka u dhashay waddankaas oo lagu qiyaasay 400 oo euros bishii, sida uu daabacay Gulf Today.

Inkastoo uusan jirin cilmi seynisku sheegay, haddana dadka reer Albania waxa ay rumeysan yihiin in caanaha dameerka ay ku jiraan nafaqo la mid ah tan caanaha hooyada taasoo xoojisa habdhiska difaaca jirka.

Marka laga soo tago in caanaha dameerka ay cabbaan, haddana waxay ka sameystaan saabuun iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado isqurxinta.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...