Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Boosaaso: Ciidamada Puntland oo fashiliyay weerar Qaraxyo ah +(SAWIRRO)

Boosaaso (Halqaran.com) – Howlgal ay ciidanka maamulka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo lagu diyaarinayay guryo ku yaal magaalada, si shacabka loogu dhibaateeyo.

Qaraxyadan ay ciidamada PSF-ta Puntland fashiliyeen ayaa ka koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee naftood haligayaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF-ta Puntland galabta fuliyeen ayaa daba socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF-ta ka sameeyeen Boosaaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish.

Sidoo kale waxaa lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Ururka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxay kaloo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Daacish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...