Thursday, April 23, 2026
29.8 C
Mogadishu

Update: Booliska Soomaaliya oo soo qabtay eedeysane ku lug lahaa Kiiskii AUN Xamdi Maxamed Faarax

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Gen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in xalay saqdii dhexe ciidanka Boliiska Galmudug ay howlgal ku soo qabteen eedeysane ku lug lahaa Kiiskii AUN Xamdi Maxamed Faarax.

Ninka lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiisa marxuumad Xamdi oolagu magacaabaa Maxamed Ibraahim Cismaan, ayaa falka kaddib ka baxsaday magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka kadib” ayay tiri Gen. Zakiya Xuseen.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Gen. Zakiya Xuseen ayaa shacabka Galmudug uga mahadcelisay gacanta ay ka siiyeen ciidanka Boliiska sidii loo soo qaban lahaa eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa sida ay sheegtay.

Allaha u naxariisto, Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid aheyd ardaydii sanadkan ka qalin-jabisay dugsiyada sare ayaa toddobaadkii hore rag arxan-laawayaal ah kufsi iyo dil ugu geysteen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...