Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Booliska Kenya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Shabakad Al-Shabaab

Nairobi (Halqaran.com) – Booliska waddanka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Al-Shabaab u qaabilsan qoridda iyo ka dhaadhicinta dhallinyarada fikradaha Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska Gobolka Siaya Michael ole Tialaal, ayaa sheegay in ay qabteen kooxda Al-Shabaab u qaabilsaneyd qoridda Dhallinyarada xabsigana ku jiraan hadda.

Michael ole Tialaal, ayaa sheegay in Dhallinyarada ay u qoreen qaarkood ay u gudbeen sohdinta Soomaaliya kuna tababaranayaan halkaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro kale oo loo waday dhinaca Dalka Tanzania, kuwaas oo halkaas iyana tababar u aaday.

Taliyuhu waxaa uu xusay in ay garteen ragga Al-Shabaab u qaabilsan qorista Dhallinyarada degaankaas, haddana qaarkood gacanta lagu dhigay.

Si kastaba, dadka deegaanka Siaya ayuu ka codsaday in ay Hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka ay wadaaddo taageersan Al-Shabaab ka wadaan Gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...