Muqdisho (Halqaran.com) – Kadib weerarkii xalay ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel amnigiisa si wayn loo illaaliyo oo ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka wuxuu su,aalo ka keenay sida dableyda Al-Shabaab halkaasi ay ku tageen.
Qoraal uu soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad Bartiisa xiriirka Bulshada ee Facebook ayuu ku sheegay Al-Shabaab in Shuraako lala yahay.
Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaay sida hoos ku qoran:
ALSHABAAB SHIRKO AYAA LALA YAHAY!
- Hotel SYL wuxuu ku yaalaa irida Madaxtooyada. Dhowr boqol oo tilaabo ayuuna u jiraa hoyga Madaxweyne Farmaajo. Aniga Xildhibaanka ah dhowr barood oo ciidamada amnigu joogaan ayaa la’igu hubiyaa kahor inta aanan gaarin goobtaas marka yaa geeyay nimankaan hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?
- Weerarkii xalay waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad isugu jiray shacab, ciidamo iyo mas’uuliyiin dowladeed. Laamaha amniga waxaa la amray in ay qariyaan qasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyadeed ee weerarka ka dhashay si aan loo ogaan. Ilaa hadana warbaahinta looma ogolaanin in ay tagaan goobtii dhibku ka dhacay. Marka cadowga ku dilaya iyo midka adigoo dhiban dhibaatada kugu duugaya maxay ku kala duwanyihiin hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?
- Weeraro badan ayaa magaaladaan ka dhacay mudadii Madaxweyne Farmaajo talada dalkaan hayay. Dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhowr kun ayay kor u dhaafayaan. Waa dhif iyo naadir Madaxweynuhu ummadda inta hor yimaado in uu uga tacsiyeeyo dhibaatada soo gaartay ee naf iyo maalba leh halka HABAR ama ODAY GAAL ah hadii cirifka ugu danbeeya dunida ay ku dhimtaan isla saacadahaas loo tacsiyaynayo. Marka maxaa loo hagranaya shacabkii mas’uulka laga ahaa hadii dhiigooda aan shirko lagula ahayn Alshabaab?
- Alshabaab hada waxay canshuur xad dhaaf ah ka qaadaan Dekada, Ayraboorka, Suuqayada, Dukaamada, Gaadiidka iyo Guryaha la deganyahay ee magaalada Mogadishu, dowladu waa ogtahay ilaa hadana hal tilaabo dhankooda looma qaadin si shacabkaan la baadayo hantidooda loo badbaadiyo marka sidee arintaani ku dhacday hadii aan shirko lagula ahayn Alshabaab?
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com