Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Shirka ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Saaxiibada Beesha Caalamku ayaa soo dhaweeyay kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.

“Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha caalamka.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka.

Sidaa darteed, waxay ugu baaqeen dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.

Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ugu baaqayaan dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...