Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Bannaanbax looga soo horjeedo Faransiiska oo ka dhacay Burco

Burco (Halqaran.com) – Bannaanbax ballaaran oo loogu soo horjeedo dalka Faransiiska ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco ee Somaliland

Dadka bannaanbaxayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron .

Maamulka magaalada Burco ayaa sheegay in bannaanbaxu uu markii hore ahaa mid yar, balse ay marba marka ka dambeysay dadku soo kordhayeen.

Dadka ka dhex muuqday dibadbaxa waxaa ka mid ah ganacsatada magaalada oo sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda dalka Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taas oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Macron, kaddib weerarkii lagu dilay macallinkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Arrintaan ayaa imaanaysa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha dalka Faransiiska lagu dilay macallin la oran jiray Samuel Paty.

Si kastaba, dilka macallinkaasi kahor, Madaxweyne Macron ayaa waxa uu islaamka ku tilmaamay Diin qalalaase ku jirta, islamarkaana uu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay inuu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka‘.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...