Saturday, September 19, 2026
26.9 C
Mogadishu

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Kiiska dilkii AUN Xamdi oo aheyd Ardayad

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoonka Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in Xildhibaannada  Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd Ardayed 19 jir ah.

Xildhibaannada ayaa dalbaday in Ajandaha kulankii Maanta lagu daro, hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka uu dib u dhigay, si guddi loogu saaro kiiskaas.

Xildhibaan Cabdi Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay saxiixeen mooshinkaas, hayeeshee ay tixgeliyeen codsiga Guddoonka Golaha oo dalbaday in Guddi loo saaray, si xildhibaannada ay qaraar uga soo saaraan.

Mudane Cabdi Shire ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay aad uga xun yihiin dhacdadaasi, isagoona xusay, in laamaha Ammaanka Soomaaliya ay ka sugayaan in cadaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa Jimcihii la soo dhaafay waxaa kufsi iyo dil loogu geystay Guri dabaq ah oo ku yaalla Xaafada Maajo ee degmada Waaberi, iyadoo markii la kufsaday dabaqa laga soo tuuray.

Ugu damebyn, dilka AUN Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu dhaliyay caro aad u xooggan,  waxaana aad uga falceliyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa ku nool Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...