Wednesday, June 24, 2026
25.7 C
Mogadishu

Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada ‘Cabdinuur’ oo Xilka si rasmi ah ula wareegay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horey u hayey xilkaas Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

“Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.”

Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...