Kismaayo (Halqaran.com) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistii maanta markii 3-aad loo doortay inuu hoggaamiyo Maamulka Jubbaland, ka dib markii uu helay saddex meelood laba meel codadkii la dhiibtay.
Doorashadan oo ay ku tartamayeen afar musharax ayaa waxaa wax dooraneysay 74 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, oo tiradoodu ay gaareyso 75 xubnood.
Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa lagu kala baxay, ka dib markii musharax Axmed Madoobe uu helay saddex meelood laba meel codadkii Xildhibaanada Baarlamaanka.
Axmed Madoobe ayaa helay 56 cod oo ay dhiibteen 74 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Inta aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada ayaa waxaa uu sawaxan iyo sabcis uu gilgilay hoolkii doorashada ay ka socotay.
Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay
1: Axmed Maxamed Islaam 56 Cod
2: Canab Maxamed Daahir 17 cod
3: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1
4: Maxamed Cumar Geedi 0
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com