Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Axmed Madoobe oo markii 3-aad loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistii maanta markii 3-aad loo doortay inuu hoggaamiyo Maamulka Jubbaland, ka dib markii uu helay saddex meelood laba meel codadkii la dhiibtay.

Doorashadan oo ay ku tartamayeen afar musharax ayaa waxaa wax dooraneysay 74 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, oo tiradoodu ay gaareyso 75 xubnood.

Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa lagu kala baxay, ka dib markii musharax Axmed Madoobe uu helay saddex meelood laba meel codadkii Xildhibaanada Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa helay 56 cod oo ay dhiibteen 74 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Inta aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada ayaa waxaa uu sawaxan iyo sabcis uu gilgilay hoolkii doorashada ay ka socotay.

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay

1: Axmed Maxamed Islaam 56 Cod

2: Canab Maxamed Daahir 17 cod

3: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1

4: Maxamed Cumar Geedi 0

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...