Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga ee Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u dambeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu dambaysay qaraxii shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.
Sidoo kale, wuxuu Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo ammaanay.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonan Ciidamada ammaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





