Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Arag Sawirrada: Kismaayo oo lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxay iyo raggii watay

Kismaayo (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaalada Kismaayo sidda ay ku sheegtay War kasoo baxay Hay’adda.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud, Marka ay ciidanka amniga gacanta ku dhigayeen raggan waxaa ay gacanta kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus.

Ciidanka waxay tageen oo ay 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed ka soo saareen goobo keyd u ahaa ragga la qabtay oo ay hubka ku duugteen.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...