Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

ARAG SAWIRADA: Shirkadda diyaaradda Air Uganda oo duullimaad toos ah ka bilowday MUQDISHO

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaaraddii ugu horreeysay oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada Uganda Airlines ayaa maanta kasoo dagtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Duulimaadkan ayaa bilaaw u ah duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala. Xaflad lagu daahfuray duulimaadkan ayaa lagu qabtay garoonka diyaarada Aadan Cadde.

Uganda Airlines ayaa dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay muddo 18 sano ah kaddib, iyada oo shirkadda ay bilaawday duulimaadyo ay ku tageyso dalalka gobolk

Dalka Yugaandha gaar ahaan magaalada Kampala waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaas oo mar walba daneeynaya in ay helaan duullimaad toos ah oo u fududeynaya in ay u soo safraan Muqdisho.

Shirkadda duullimaadyada Yugaandha ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horreysay ee duullimaad toos ah ka samaysa Muqdisho iyo Entebbe.

Shirkadda ayaa sidoo kale hirgelinaysa duullimaadyo dhowr ah oo ay ku tagi doonto Nayroobi, Jubba iyo Daarusalaam.

Shirkadda ayaa sheegtay in qiimo dhimis ay ku sameeyeen tigidhada ay horseedday in shirkadda ay durbaba hesho macaamiil badan iyo suuq wanaagsan oo dhiirri gelinaya shaqadeeda.

Ugu dambeyn, maamulka shirkadda ayaa sidoo kale sheegay in markii ay go’aamiyeen bilaabidda shaqadan ay sidoo kale fududeyeen adeegyada ay macaamiishu u baahanyihiin iyaga oo garoomada iyo goobo kaleba ka hirgeliyay xafiisyo lagu iibiyo tigidhada shirkadda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...