Sunday, June 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

AMISOM oo agab ciidan ku wareejisay taliska booliska maamulka Hirshabeelle

Jowhar (Halqaran.com) – Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa kala wareegay agab ciidan taliyaha Booliska AMISOM ee deegaanada Hirshabeelle.

Munaasabadda agabkaasi uu kula wareegaayay Taliska ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay taliyaha Booliska AMISOM ee deegaanada Hirshabeele, isagoo sheegay in agabkaan ay ugu talagaleen ciidamada Booliska Hirshabeelle,waxayna ka kooban yihiin Budad, Qalmaan, Buugaag iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah howlaha Booliska.

Agabkan ayaa hadda waxaa ku howlgalaya saldhigyada Booliska degmooyinka Jowhar, Balcad, Warshiikh iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe, isagoo sheegay in kuwa kalena dhawaan ay soo gaarsiin doonaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa uga mahadceliyay AMISOM agabkan ay soo gaarsiiyeen.

Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in howlaha Booliska ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana dufcadii seddexaad dhawaan tababar loo soo xiri doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...