Aadan Yabaal (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya, in ururka Al-Shabaab ay meel fagaaro ah oo ku yaalla degmadaasi ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu jaajuus ahaa.
Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa lagu magacaabi jiray Ninka xukunka dilka toogashada ahaa ee Al-shabaab ku fulisay, waxaana xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab, isagoona la sheegay inuu qirtay inuu Sirdoon u ahaa Mareykanka.
Qaadiga maxkamadda Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Yaasiin uu qirtay Sirdoon inuu u ahaa Mareykanka, balse ma jirin qirasho cad oo Yaasiin meesha uu ka sheegay oo aan ka aheyn hadalka Qaadiga.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa durba rasaas la dhacay Yaasiin oo toogasho ku dilay, xilli ay daawanayeen Boqolaal ka mid shacabka ku nool Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha dhexe.
Ururka Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka taliyaan ee Gobolada dalka Soomaaliya waxa ay ka fuliyaan xukunada noocaan oo kale ah oo aysan jirin cid difaaceysa ama u doodeysa shaqsiga eedeysanaha ah ee xukunada ay ku ridayaan Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com