Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

AKHRISO: Puntland oo diiwaangelisay kiisas badan oo la xiriira cudurka Coronavirus

Garowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay xaqiijisay in 12 qof oo hor leh laga helay xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay 20 qof.

Dadka cudurkan laga helay 9 ka mid ah waxaa waaye rag, iyadoo 3-da kalana ay dumar yihiin. Dadkan dhammaantood waa reer Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in dadkaasi ay da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 65 jir.

Tirada guud ee deegaanada Puntland laga diiwaangeliyay ayay tani ka dhigeysaa 23 qof, iyadoo illaa iyo hadana uu hal bukaan ugu geeriyooday.

Weli waxaa muuqata inaysan dadka u dhego nugleen farriimaha Waaxda Caafimaadka, balse Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa markale dadka ugu baaqay inay qaataan talooyinka la xiriira ka hortagga faafitaanka xanuunka.

Xanuunsidaha COVID-19 ayaa toddobadyadii ugu dambeysay si xowli ah ugu faafayay dalka, tiiyoo ay isa soo tareyso dadka kale ee ugu dhimanaya gudaha dalka.

Wasiirka Caafimaadka ee XF Soomaaliya, Marwo Foosiya Abiikar Nuur, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii sheegtay in tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay ay gaartay 670 kiis.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...