AKHRI: Puntland oo hakisay bixinta Aqoonsiga Nabadoonimada +(Ogow Sababta)

Garoowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ee ay siin jirtay odayaasha loo aqoonsan yahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha dega deegaanada Maamulka Puntland.

Arrintaan ayaa lagu cadeeyay warqad ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana la ogeysiiyay Madaxtooyadda Maamulkaasi.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com