Sunday, March 15, 2026
29.4 C
Mogadishu

AKHRI: Madaxweyne Xaaf oo Xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ka tirsan Galmudug + (Ogow Sababta ka dambeysay)!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday mid ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, waxaana xilkaas lagu amray inuu sii haayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan inta laga magacaabayo Wasiir kale.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkaan ka tirsanaa Xukuumadda Galmudug, balse laga war helay warqadda xil ka qaadistiisa.

Maamulka Galmudug oo iminka ku sugan xaalad aanan sal fadhin ayaa shirar kala duwan waxa ay ka socdaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Hobyo ee Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...