Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

AFRICOM oo Duqeymo cirka ah ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose & Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Taliska Mareykanka ee howlgallada Afrika ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay Soomaaliya ka fuliyeen ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

War-saxaadadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yiqaano Afrikom ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay iska kaashadeen duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Kuunyo Barroow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

”Duqeyntani wax ay tusaale u tahay culeyska uu taliska ciidamada Mareykanka ee Afrikom ku hayo shabakadaha argagaxisada, kuwaa oo ay kamid yihiin ururka gacansaarka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab” ayuu yiri taliyaha ciidamada Afrikom Janaraal Wilyam Gayler oo ah taliyaha howlgallada ee ciidamada Afrikom.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in duqeymahan ay xadidi doonaan xoriyadda dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayna khalkhal ku abuuri doonto shabakadahooda taas oo saaxiibadeena Soomaaliyeed ka caawin doonta ayuu yiri in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

War-saxaafadadeedkan ayaa lagu sheegay in duqeyntani lagu dilay hal qof oo ka tirsanaa argagaxisada.

”Wax aynu qiimeynay in wax shacab ah aynaan ku dhaawacmin kuna dhimanin duqeyntan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu danbeyn taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii masuuliyadda sugidda amniga dalka looga wareejin lahaa AMISOM looguna wareejin lahaa dowladda federaalka Soomaaliya ee maamul goboleedyada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...