Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

Nabaddoon ka mid ahaa ergadii doorashada deegaannada Koonfur Galbeed oo lagu Dilay

Afgooye (Halqaran.com) – Kooxo bistoolada ku hubaysan ayaa toogtay Nabadoon Ibraahin Maxamed Ibraahin oo ka mid ahaay Ergadii Doorashada deegaanada Maamulka Konfur Galbeed.

Nabadoonka ayaa dhawr xabo oo rasaaas ah waxaa lagala dhuftay madaxa, waxaana sidaasi meesha kaga baxsaday Kooxdii falka dilka ah gaysatay.

Nabadoonka oo fiidkii caawa lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa wuxuu ka mid ahaay Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee deeganada Koonfur Galbeed.

Ciidamada Booliska Afgooye ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday maydka marxuumka la dilay oo eheladiisa ay qaateen.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa wali wada ugaarsiga ay ku hayaan Odayaasha Dhaqanka ee Nabadoonada ah, kuwa iska diiwaangeliyay mooyee kuwa kale wali waxa ay ku beegsanayaan gobollada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...