Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

UPDATE: Sarkaal la shaqeyn jiray Mareykanka oo lagu dilay Muqdisho +Magaciisa

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.

Sida ay mareegta Halqaran.com u xaqiijiyeen goobjooogayaal, dhalinyaro bastooladdao ku hubeysneyd ayaa fuliyay dilka waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay,waxayna horey usii qaataan Bastooladd uu watay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Muuse Abuukar Max’med Nuuroow wuxuuna kamid ahaa ciidamada AFRICOM uqaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalka.

“Al-Shabaab ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo katirsanaa Ciidamadda  Bangarafaata wuxuu cadowga kusoo hogaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo baxay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...